Shirka Banbaxa wasiiradda oo galabta la soo geba-gabeynaayo

37

Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada ayaa galay maalintii 3aad, iyada oo lagu wado in gelinka dambe ee Maanta la soo geba-gabeeyo.

Shirka ayaa Ajandeyaasha maanta looga hadlayo waxaa ka mid ah: Qorshaha 100-ka maalmood iyo Saxiixa Axdi Howleedka Wasiirrada & Ra’iisul Wasaaraha.

Dhinaca kale Muddadii Saddexda maalmood ee uu shirka socdo ayaa waxaa Shacabka Magaalada muqdisho laga xiray wadooyinka ugu muhiimsan Caasimadda, waxaana lagu arkayaa wadooyinka Shacabka oo si raxan raxan ah u lugeynaya.

Ciidamada Amaanka Dowladda Somaaliya ayaa gaadiidka noocyadiisa kala duwan Maalintii saddexaad oo xiriir ah waxaa ay u  diidayaan inay maraan Isgoysyada ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho, waxaana arrintaasi walaac ka muujiyay Shacabka ku nool caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa furay labbo maalin ka hor wuxu Shirka ka socdaa Hotel ku yaal gudaha Airporka Adan Cadde .