Shirka Golaha Wasiirada Galmudug oo xalay ka qabsoomay Balanbale

178

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa caawa shir guddoomiyay shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada Galmudug, oo goor dhaweyd ka qabsoomay Degmada Balanbale.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug, oo uu ka mid yahay Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa casir liqii galabta gaaray Degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud.

Shirka oo ay ku sugnaayeen inta badan Golaha Wasiirada Galmudug ayaa diiradda lagu saaray arrimaha gudaha Galmudug iyo weliba amniga iyo sidii loo joogteen lahaa.

War qoraala oo lagu daabacay barta Madaxtooyada Galmudug ku leedahay Facebook ayaa lagu sheegay in shirka warbixino looga dhageystay Wasiirka Amniga, Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) iyo Wasiirka Waxbarashada, Maxamed Xaashi Dhoore.