Shirka maamul Goboleedyada oo Maanta lagu wado inuu Dhuusamareeb ka furmo

40

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta oo Sabti ah lagu wadaa inuu ka furmo shirka wadatashiga madaxyada maamul Goboleedyada Dalka.

Shirka ayaa waxaa la filayaa in madaxda maamul Goboleedyada ay uga wada hadlaan doorkooda ku aaddan doorashooyinka Qaranka iyo ka shaqeynta sidii wadajir looga qeyb qaadan lahaa horumarinta adeegyada kala duwan ee Bulshadu u baahanyihiin.

Ammaanka Magaalada ayaa Saakay aad loo adkeeyay, waana markii ugu horreysay oo  ay marti geliso Dhuusamareb shir noocan ah.