Shirka madasha aragti wadaagga ee ka soconaya magaalada Garoowe ayaa galay maalintii labaad, waxaana maanta la filayaa in khudbado ay ka jeediyaan madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Shiikh Shariif Shiikh Axmed, R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo madax kale oo ka qeyb galaysa shirka.
Sidoo kale waxaa maanta lagu wadaa in kulamo gaar gaar ah ay yeesheen madaxda ka qeyb galaysa kulanka, iyagoona si weyn ugu hadli doono xaalada kala guurka uu xiligan marayo dalka iyo arrimaha doorashooyinka
Lama oga in maanta la soo gaba gabeyn doono iyo in kale, balse waxaa suurtagal ah in beri uu gaaro shirka.
Doodda shirka sanadka ayaa ku qotonta “sidee looga bixikaraa ku-meelgaar-nimada daba-dheeraatay sanadka 20205″.