Shirka Madaxda M/Gobaleedyada oo Maanta ka furmaya Dhuusamareeb

154

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa saacadaha soo socda in uu ka furmo shirka u dhaxeeya madaxda maamul gobaleedyada.

Magaalada ayaa waxaa ku sugan dhammaan madaxweynayaasha maamulada Jubbaland,Koonfur galbeed,Hirahabeelle,Puntland iyo Galmudug oo martigelinaysa shirka,iyada oo saacadihii lasoo dhaafay ay yeesheen kulamo gaar gaar ah.

Shirkaan ayaa inta uu socda waxaa looga hadlayaa arrimaha siyaasadda,Amniga,doorashooyinka iyo khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda iyo qaar ka mid ah madaxda maamul gobaleedyada,gabangabadana waxaa la filayaa in lagasoo saaro qodobo xasaasi ah.