Shirka u dhaxeeya Farmaajo iyo xubnaha beesha caalamka oo goor dhaw ka furmay Villa Somalia

33

Kulan u dhaxeeya xubnaha beesha caalamka iyo madaxweyne Farmaajo ayaa maanta ka furmay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, kaas oo looga arrinsanayo sidii meesha looga saari lahaa khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka.

Xubnaha ugu sareeya wakiillada beesha caalamka ee Soomaaliya marka laga reebo Safiirka Mareykanka ayaa madaxweynaha ugu tegay xarunta madaxtooyada, halkaas oo uu kulan uga furmay.

Sababta Danjire Donald Yamamoto uusan qeyb uga aheyn xubnaha beesha caalamka ee la shiraya Madaxweynaha waxaa lagu sheegay in diblomaasiyiinta Mareykanka ka joogta Soomaaliya aysan fasax u heysan inay ka baxaan xarunta ammaankeeda sida aadka ah loo ilaaliyo ee Xalane oo ku taalla agagaarka garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Waxaa maanta aan qabsoomin shirkii ay dhawaan ku baaqeen in la isugu yimaado Sabtida maanta ah madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, si xal looga gaaro is mari waaga ka taagan doorashooyinka dalka.

Hasa yeeshee madaxda beesha caalamka ayaa la sheegay inay Madaxweynaha kala hadlayaan sidii shir deg deg ah la isugu imaan lahaa 8-da bisha soo socota ee Febraayo ka hor, si dhinacyada iska leh go’aanka doorashooyinka dalka ay khilaafka jira is afgarad uga gaaraan.