Shirka wada-tashiga dowladda dhexe iyo DG oo maanta ka furmaya Muqdisho

48

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga furmi doono shirka wada-tashiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

Shirka oo ah mid aad isha loogu wada-hayo ayaa waxaa saacadaha soo socda xarunta madaxtooyada Soomaaliya ka daah-furi doono Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo, iyadoona ay ka qeyb-galayaan Madaxweynayaasha maamullada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo guddoomiyaha G/Banaadir.

Waxaa in ntiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saari doonaa dhameystirka heshiiskii Dhuusamareeb 3 iyo arrimaha doorashooyinka , si go’aan mideysan looga gaaro.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid cakiran, waxaana Muqdisho ka socday kulamo looga hadlayo marxaladda kala guurka ee haatan lagu jiro.