Monday, April 19, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Shirka Wada-Tashiga Afisyooni Oo Galay Maalintii Labaad

Shirka Wada-Tashiga Afisyooni Oo Galay Maalintii Labaad

14

 

Kulankan oo aan saxaafada lagu casuumin ayaa noqonaya kii labaad ee ay yeeshaan madaxda dowlada federalka iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in warbixin looga dhagaysan doono kulanka maanta taliyaha ciidanka Booliska Gen Xijaar ,uuna ku soo bandhigo shaxda amniga doorashooyinka.

Sidoo kale kulankan oo qorshuhu ahaa in dhammaan madax goboleedyada ka soo qeybgalaan ayaa waxaa qaadacay maamullada Puntland iyo Jubbaland.

Arrintani ayaa uga sii dareyso xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka ee dhacaya sanadkan 2021-ka.