Shirka wada-tashiga Baydhabo oo goor dhow furmay+Sawirro

39

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa goor dhow si rasmi ah u furay shirka wada-tashiga Baydhabo, kaas oo ay ka qeyb-galayaan madaxweynayaasha maamullada HirShabelle iyo Galmudug.

Shirkan ah oo mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in shirka la soo xiro isla maanta, kadibna waxaa saddex madaxweyne ee Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug soo aadi doonaan magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb-galaan shirka uu ku casuumay Madaxweyne Farmaajo.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana sii badanaya shirarka gaar gaarka ah ee ka dhacaya gudaha dalka.