Shirka wadatashiga Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madax Goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa uu galay maalintii labaad.
Shirka ayaa waxaa ku sugan madaxweynaha Soomaaliya, madaxda maamulada Koonfur Galbeed, Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Dhammaan dhinacyada ka qeyb galaya shirka ayaa ka doodaya qodobada ka soo baxay heshiiskii shirka Dhuusamareeb (3) oo ay diideen ka qaybgalkiisa Axmed Madoone iyo Deni.
Magaalada Muqdisho waxaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah ku qaatay madaxda Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed oo haatan isaga soo dhawaanaya marka la eego dhowr iyo tobankii cishe ee lasoo dhaafay.