Shirka wada-tashiga Muqdisho oo galay maalintii saddexaad

45

Shirka wadatashiga madaxda dowladda dhexe, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ka socda Muqdisho ayaa maanta galay maalintiisii saddexaad.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/21.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in shirka la soo xeri doono beri, islamarkaana laga soo saari doono war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha laga wada-hadlay.

Waxaa madasha ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxda Koonfur Galbeed, Puntland, Jubbalanad, Galmudug, HirShabelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, balse waxa ay rajadu tahay in is bedal ka soo baxo shirka Muqdisho oo looga hadlayo marxaladda kala guurka ah ee dalka.