Shirka wada-tashiga Muqdisho oo lagu wado inuu maanta furmo

22

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku kulmaya Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Fadhigii kii ka horeeyay waxa uu u baaqday shuruudo uu soo bandhigay Axmed Madoobe oo haddii Madaxtooyada Soomaaliya fuliso wada hadalka uu soconayo, waxaana ku taaageeray Siciid Cabdullaahi Deni.

Shuruudahaas waxaa ugu waynaa in Gobolka Gedo laga soo qaado Ciidamada Dowladda Federaalka horay u geysay, gacanta ku heynta maamulkana dib loogu celiyo Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Tan iyo habeenkii Arbacada waxaa socday dadaalo kala duwan oo xubnaha Beesha Caalamka ku doonayeen in ay ku dajiyaan xaaladda siyaasadeed, isla markaana xal loo helo caqabadaha ku horgudban furmashada shirkaan saddex geesoodka ah.

Xubnaha Beesha Caalamka oo uu ug dhaq-dhaqaaq badan yahay Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa labada Madaxweyne Goboleed kala hadlay sidii aysan u abuuri lahayn caqabado iyo shuruudo horleh oo suuragelin kara in wada hadalka lagu kala tago.