Shirka,Musharaxiinta oo maanta la soo gabagabeynaayo.

45

Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo shirkooda galay maalintii Lixaad  ayaa maanta lagu wadaa  in la soo gabagabeeyo shirkooda, iyadoo la filayo  in laga soo saaro war murtiyeed.

Saacadaha Soo aadan ayaa la filayaa in warsaxaafadeed la xiriira tabashadooda doorashada iyo sida ay doonayaan in ay dhacdo ay soo saaraan musharixiinta ku shirsan Magaalada Muqdisho, xili dowladda Federaalka Soomaaliya ay tababar magaalada Muqdisho uga furtay guddiyada lagu muransan yahay, iyagoona maalmaha soo aadan bilaabi doono shaqooyinkooda.

Musharixiinta ku shiraya Muqdisho ee u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shirkoodu waxaa uu qaatay muddo lix  maalmood ah, iyadoo ay ka arrinsanayaan dooarashada dalka ka dhici doonta dhammaadka sanadkaan iyo billowga sanadka dambe.

Musharixiinta ayaa mudooyinkii dambe waxaa ay kulamo la qaadanayeen qeybaha kala duwan ee bulashada, sida culimada,  ururada bulshada rayidka ah, haweenka siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Waqooyi iyo madaxda warbaahinta Soomaaliya.