Shirkii Golaha Wasiiradda KGS oo Maanta looga hadlay weerarkii Askarta lagu dilay Duleedka Afgooye

35

Madaxweynaha  Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shir gudoomiyey shirka todobaadlaha golaha wasiirada  Koonfur galbeed oo maanta ka dhacay  Magaalada Baydhabo ee Xarunta kumeel gaarka u ah ee dowlad goboledka  Koonfur Galbeed

Shirka ayaa looga hadlay Dhowr ajandayaal oo ay kamid ahayeen,Xaalada Degmada Afgooye Amniga,Cadaalada iyo Samaynta Fatahaadka ka jira qeybka ka mid ah Deegaaanada Maamulka .

Kulankaan ayaa ugu horeeyn waxaa loogu tacsiyadeeyay Taliyaha Guutada 7aad Qeybta 60aad ee Ciidanka Xooga Dalka oo Xalay ku geeriyooday Dagaal Dhexmaray Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya iyo Alshabaab Waxaana Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada Tacsiyo u direen Guud ahaan Shacabka Koonfur Galbeed Gaar ahaan Ehelada uu ka Baxay Marxuumka

Wasiirka wasaaradda Amniga Gudaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Isaaq Ali Subag oo Warbixin ku saabsan Amniga looga dhagaystay ayaa Sharaxaad ka bixiyay  Xaalada Amni ee deegaanada Koonfur Galbeed Waxaana uu Xusay in todobaadkii laso dhaafay aan khalalaaso Amni ka dhicin Deeganada Koonfur Galbeed Marka laga Reebo Shaqaqadii Xalay ka dhacday Duleedka Degmada Afgooye walow Ciidanka Xooga Dalka kuwa Gaarka Koonfur Galbeed iyo Saaxibada Soomaaliya ay wadaan Howlgalo lagu Xaqiijinayo Amniga Deeganada Koonfur Galbeed Dhowaana ay qorshaynayaan inay Bilaaban Howlgalo lagu furaayo Wadooyinka.

Wasiirada Wasaaraddaha,Batroolka ,Haweenka Cadaalada, iyo Boostada ayaa sido kale looga dhagaystay Warbixin ku saabsan Howlaha shaqo ee Wasaaraddaha ay u hayaan Shacabka maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya  iyo Dadaalada ay ku bixinayaan ka miradhalinta  Himilooyinka Shacabka sidii loo fulin lahaa Howlaha loo egmaday .

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Bogaadiyey in lasii dardargeliyo Howlaha loogu Adeegayo Shacabka kunool Deeganada Koonfur Galbeed si adeegyada Dowlada loo Daadejiyo.