SHIRKII MUQDISHO OO MAALINTII LABAAD NATIIJO LA’AAN KU DHAMMAADAY

10

Waxa maalintii labaad natiijo la’aan ku dhammaaday Shirkii u dhexeeyay dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, sida Puntland Post u xaqiijiyeen dad xog-ogaal ah.

Dhinacyada ayaa maanta dood adag ka yeeshay arrimaha ku saabsan ka qayb-galka iyo Ajandaha Shirka guud ee doorashooyinka dalka, inkastoo aan wax horumar ah laga samayn dhammaan Qodobadii laga dooday.

Puntland iyo Jubaland ayaa ku dooday in Midowga Murashixiinta laga qayb-geliyo Shirka guud ee Arrimaha doorashooyinka, oo ay si toos ah miiska u fariistaan, halka dowlad goboleedyada kalena ay soo jeediyeen in Midowga Murashixiinta khudbado uun keliya laga siiyo Shirka.

Intaas kadib, dhinacyada ayaa isla gartay in maalinta berrri ah qola kasta gaarkeeda u shirto, islamarkaana saadambe dib la isu’gu soo noqdo, si looga sii doodo Ajandaha iyo ka qayb-galka Shirka guud.