Shuruudo adag oo lagu xiray keenista Qaadka dalka Kenya

22

Wargeyska The Business Daily ee ka soo baxaya Nairobi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay shuruudo ku xirtay keenista Qaadka dalka Kenya.

Warbixinta Wargeyskaa ayaa waxaa lagu sheegay in shuruudaha la hordhigay xukuumadda Nairobi ay gaarayaan afar, kadibna haddii ay aqbasho laga qaado doono xayiraada.

Halkaan hoose ka aqriso:

1: In dowladda Kenya ay faragelinta ka deyso Arrimaha Gudaha Soomaaliya,isla markaana si siman ula macaamiisho dadka Soomaaliyeed.

2: In kenya raali gelin ka bixiso inay kusoo xadgudubtay Hawada Soomaaliya
3: In Kenya ogolaato inay dhoofsato wax soo saarka Soomaaliya,sida Kalluunka, Malabka, Hilibka iyo Caanaha iyo waxyaabaha kale ee muhiim ah.

4: In Kenya ay laasho in duulimaadyada ka baxa Soomaaliya ugu baareyso Magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi bari taas oo dhibaato weyn ay ku qabaan dadka ka baxa gudaha dalka Somaaliya.