Saturday, July 24, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Sidee Cali Guudlaawe Loogu Soo Dhoweeyey Warsheekh?

Sidee Cali Guudlaawe Loogu Soo Dhoweeyey Warsheekh?

35

Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Warsheekh ee gobolka Sh/ Dhexe.

Cali Guudlaawe ayaa waxaa si diiran magaallo xeebeedka Warshekh ugu soo dhoweeyey qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka degmadaasi.

Sidoo kale madaxweynaha HirShabelle ayaa dhagax dhigay suuqa malaayga Warsheekh wuxuuna soo indha indheeyay xarumaha maamulka iyo isbitaalka magaaladaas.