Sidee Puntland u aragtaa magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub?

38

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa soo dhoweeyey magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Deni oo ku hadlayey magaciisa iyo kan Puntland ayaa ugu horreyn u hambalyeeyey Ra’iisul wasaaraha cusub, wuxuuna sheegay inay hortaallo shaqo adag.

“Waxaan u hambalyaynayaa Ra’iisal Wasaaraha Cusub  Maxamed Xuseen Rooble, runtii waxaa hortaalla shaqo baaxadleh oo masuuliyadeeda wadata, waxaana u rajeynayaa in uu ku guuleysto”

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey Alle “SWC” ayaan u waydiiyey inuu ku asturo masuuliyaddaas weyn ee uu u qabtay dadkiisa iyo dalkiisaba