Sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha dalka oo guddoomiyay shir looga hadlay xaaladaha degdegga ah ee dalka ka jira

25

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Guleed Khadar ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlay ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah ee dalka ka jira.

Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay wax ka qabashada fatahaadaha, COVID19 iyo ayaxa oo kamid ah xaaladaha ugu daran ee xilligaan dhibaatada ku haya dalka.

Kulanka intii uu socday waxaa la isla gartay in la sameeyo guddi isku dubba rida oo ka shaqeeya howlaha ku xeeran wax ka qabashada, mudnaan siinta iyo dardar gelinta dadaallada