Siihayaha xilka R/Wasaaraha oo kormeeray wasaaradda Maaliyadda

23

Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, oo kormeer shaqo ku tegay wasaaradda Maaliyadda ayaa mas’uuliyiinta wasaaradda kala hadlay dardar gelinta shaqooyinka iyo in isbedelada jira aysan  saameyn ku yeelan socodsiinta howlaha ay qaranka.

Siihayaha wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle oo soo dhoweeyay sii hayaha ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in ay ka wada hadleen dib u habeynta dhaqaalaha iyo qodobo kale.

“Waxa aan ka wada hadalnay ku simaha ra’iisul wasaaraha dar-dar galinta howlaha Maaliyadda, sida dib-u-habeynta dhaqaalaha, sare u qaadidda dakhliga dalka iyo saameynta dhaqaale ee Covid-19” ayuu yiri sii hayaha Wasiirka maaliyadda”ayuu yiri wasiir Beyle.