Sir:Villa Somalia oo wadato liiska Xildhibaanada Cusub ee Hirshabelle.

31

Xog Hoose oo aan helnay Najahonline.net ayaa tilmaameyso in Villa Somalia ay si buuxda ula wareegtay soo xulista iyo File-ka doorashada xildhibaanada Maamulka Hirshabelle,

Waxaa la tilmaamayaa in wakiilo ama wafdi ka socda madaxtooyada ay maalmo ka hor gaarayn magaalada Jowhar, ee Caasimada Hirshabelle kuwaasi Durba bilaabay kulamo Hoose.

Villada ayaa wado qorsho ah in la soo doorto Liiska xubnaha loo wado inay noqdaan Xildhibaannada maamulka Hirshabelle.

Duubabka dhaqanka Hirshabelle oo iyana maalmo ka hor gaaray magaalada Jowhar ayaa la sheegayaa in aanay wax door oo buuxa ku lahaan doonin soo xulista Xildhibaanada, maadaama liis-ka loo dhiibay inay ku soo qoraan Xildhibaannada ay yihiin Liis ka yimid dhinaca Madaxtooyada iyo Taliska Nabadsugida.sida warar Hoose ay tilmaamayaan.

Doorashada maamulka Hirshabelle ayaa waxaa ka taagan muran iyadoo Muqdisho ay ka socdaan kulamo looga soo Horjeedo doorashada Hirshabelle.

Dhinaca kale banaanbaxyo ayaa ka dhacay magaalada Beledweyn ee gobolka Hiiran.