Siyaagsiga Salaad Cali Jeelle oo si adag ugu jawaabay Madasha Xisbiyada Qaran

44

Siyaasiga caanka ah ee Salaad Cali Jeelle ayaa si kulul ugu jawaabay hoggaanka sare ee Madasha Xisbiyada Qaran oo dhowaan eedeymo u jeediyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Mr. Jelle ayaa sheegay in Madashu ay wado iska hor keen bulsho, islamarkaana ay dooneyso in xiligaan dalka uu galo qalalaase siyaasadeed oo hor leh.

Sidoo kale waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray Madasha ee ahaa inay dhisayaan dowlad gaar ah, haddii aysan dowladdu ka shaqeyn arrimaha doorashada iyo deganaashaha dalka.

Salaad Cali Jeelle oo si aad ah u taageersan dowladda dhexe, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale xusay in hadallada qaar iyo digniinta aan laga fiirsan ay ka dhalan karto cawaaqib xumo.

Maalin ka hor ayey markii Madasha Xisbiyada Qaran ay weerarka afka ah ku qaaday dowladda federaalka, iyada oo Madaxweyne Farmaajo ku eedeysay inuu wado kali-talisnimo.