Siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland oo madaxweyne Deni ugu baaqay in uu ka qeeybgalo shirka Muqdisho

181

 Siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federalka iyo maamulka Puntland iyo Senataro ayaa madaxweyne Deni ugu baaqay inuu ka qeyb galo shirka wadatashiga doorashada ee Muqdisho ka dhacayo.

Siyaasiyiintaan waxay kasoo horjeesteen oo ay sharci darro ku tilmaameen bayaan kasoo baxay barlamaanka Puntland oo madaxweyne Deni ugu baaqayay in uusan ka qeyb galin shirka Muqdisho illaa inta wax laga qabanayo tabashada Puntland.

Waxay dowladda federalka ugu baaqeen in xuquuqda mataalada gobolka Banaadir loo maro sifo sharci ah oo waafaqsan dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.

Halkaan ka akhriso