Maxkamadda Somaliland oo Bilaal Bulshaawi ku xukuntay …

38

Wararka aan ka heleyno Magaalada  Hargeysa ayaa waxa ay tilmaamayan in Wiil caan ka ah Tiktok oo Hargeysa ku xiran  la sheegay in la sii deynayo.

Maxkamadda Magaalada hargeysa ee Soomaaliland ayaa Bilaal Bulshaawi ku xukuntay in muddo 24 saac gudahood looga saaro deegaanada Soomaaliland.

Xukunkan ayaa waxa uu imanayaa kadib markii  Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo horey u sheegay inuu aqbalay codsiyada ah in la sii daayo Bilaal Bulshaawi, oo caan ka ah barta Tiktok, kaas oo ku xiran magaalada Hargeysa.

Bilaal bulshaawi oo loo yaqaanno madaxweynaha Tiktok ayaa bishii la soo dhaafay lagu xiray Hargeysa.

Booliiska ayaa sheegay in Bilaal loo xiray muuqaal uu iska soo duubay isaga oo shaah ku midabeysan calanka Soomaaliya ku cabaya maqaayad ku taalla Hargeysa.