Somaliland Oo Muqdisho U Soo Musaafurisay Musharax Mustaf Dhuxulow

34

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ahna Musharax Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay lagu xiray xabsi ku yaalla Magaalada Hargeysa ayaa saaka laga siidaayay xabsiga.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Maamulka Somaliland ay Musharax Xildhibaan Dhuxulow u soo musaafurisay Magaalada Muqdisho, isagoona Garoonka diyaaradaha Cigaal kasoo raaci doona diyaar, soona gaaraya Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Ciidanka amniga Garoonka Hargeysa ayaa shalay Mustaf Dhuxulow ka qabtay gudaha  Garoonka, kadib markii uu ka degay diyaar uu la socday, isla markaana sidaas xabsiga lagu dhigay Musharaxa oo markii horey la sheegay inuu taransad ahaa.

Ujeedka socdaal Musharax Dhuxulow ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay inuu ahaa Casuumad uu ka helay Madax ka tirsan Hay’ad laga leeyahay dalka Jarmalka, sidaasina uu ku tegay halkaas.

Sidoo kale Musharaxa Madxweyne ee Dhuxulow ayaa watay Baasabooka dowladda Ingiriiska markii uu ka dagayay Garoonka diyaaradaha Cigaal International ee Magaalada Hargeysa, isla markaana ay qabteen Ciidanka amniga oo markii dambe geliyay xabsi.