Somaliland oo walaac ka muujisay dagaalka ka socda Itoobiya

25

Xili dalka  itoobiya ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeyo ciidamao daacad u ah mucaaradka tigrega itoobiya iyo ciidamada federalka dalkaasi itoobiya ayaa waxa laga baqadin qaba ain uu sameyn ku yeesho wadamda dhaca gobolka geeska Afrika oo ay soomaaliya qeyb ka tahay.

Gobolada waqooyo oo la isku yiraahdo Somaliland waxa uu la yeelayahy xuduuda ugu dheer dalka itoobiyo oo xiligaan dagaalo ak socdaan waxana laga yaba in sameyn ku yeeshaan dagaaldaasi

Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID  ee deeganda maamulka Somaliland Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay dagaalka ka socda dalka Ethiopia oo daris la ah Somaliland.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu ugu baaqay Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Dr Abiy Ahmed inuu joojiyo dagaalka oo uu dhagta u raariciyo baaqyada beesha caalamka, isagoo tilmaamay inaanay is qaban bilada nabadda iyo dagaalku.

Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa waxaa uu sheegay in Dagaalkaasi hadaan la xakamayn  inta goori goor tahay aan la joojin geeska oo dhan saamayn weyn ayuu ku yeelanayaa.

Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland, Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu sheegay in  dagaalkaasi xiligaan in la joojiyo hadiii kale ay keeni karto in colaad ku baahda geeska taasoo sabbai karta akhiirkii gaajo barakac iyo colaado sabab dhiig fara abdan in uu ku daato ayuu sheegay