Somaliland oo War kasoo saartay Isbedelka ku yimid xiriirkii Beesha Caalamka

33

Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay aragtideeda ku waajahan doodda la sheegay in Golaha Wasiirrada Kenya ka doodi doonaan aqoonsiga Somaliland, waxayna xustay inay Caalamka xaqa ugu leedahay aqoonsi caalamiya inay ka hesho.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn waxaa uu sheegay in Kenya iyo Somaliland ay leeyihiin xiriir wanaagsan, isla markaana dhowr jeer wafdiyo ka ka socda labada dhinac ay tageen Magaaalooyinka Nairobi iyo Hrageysa.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Somaliland ayaa sheegay inay sii adkeynayaan xiriirka ay la leeyihiin dowladda Kenya, wuxuuna tilmaamay in Kenya hadii ay dood gelineyso aqoonsigooda ay soo dhaweynayan, maadamaana labada dhinac ay xiriir leeyihiin.

“Kenya waa dal aynu jaar nahay, waa dad aynu xiriir dhinacayo badan leh leenahay, weftiyo culus ayey marar badan inoo soo direen, inaguna sidaas si leeg weftiyo ayeynu u dirnay”markaas inaynu xiriirkeena iyo iskaashiga aynu leenahayna weynu sii adkaynaynaa, haddii ay qadiyaddeena iyo aqoonsigeena ka doodayaan waanu soo dhaweynaynaa Kenya, Waddamada aynu jaarka nahay iyo Caalamkaba inay inay ka marag kacaan qaranimadeena iyo dawladnimadeena oo ay aqoonsiga aynu xaqa u leenahay ina siyaan ayeynu ka rabnaa” ayuu yiri Wasiir Faratoon.

Dhinaca kale Wasiir Faratoon ayaa waxa uu ka hadlay isbedelka ku yimid xiriirka Somaliland iyo Beesha Caalamka, waxaana uu sheegay inay jiraan wadamo badan oo Beesha Caalamka ah, isla markaana la leeyihiin xiriir wanaagsan, isagoo xusay inay sii wadani doonaan xiriirka ay la leeyihiin dalalkaas.

“xiriirka fiican baynu leenahay Waddamada kale ee Caalamka, markaas mar walba diyaar ayaanu u nahay in xiriirka aynu la leenahay Caalamka sii laba jibaarno, maxaa yeelay waxaynu nahay dal jira oo jiri doona haddii Allaah yiraahdo, waxaynu nahay dal leh wax walba oo dal iyo dawladnimo looga baahan yahay, shuruudihii dal madax banaan looga baahnaana weynu buuxinay, sidaas darteed halgan waxaynu ugu jirnaa sidii aynu aqoonsi caalamiya u heli lahayn, iskaashigeena Diblamaasiyadeedna u sii balaarain lahayn, ee Shacabkeena reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxaan ku dhiirigelinayaa inay dalkooda ogaadaan, oo noqdaan muwaadiniin qaranimadooda meel kasta ku soo bandhiga, waxaan ku dhiirigelinayaa inay isku duubnadaan oo qarankooda meel uga soo wada jeestaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Yaasiin Xaaji Faratoon.