Somaliland oo war xasaasi ah ka soo saartay doorashada Soomaaliya

37

Warsaxaafadeed ka soo baxay golaha wasiirada Somaliland ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/2021.

Kulanka ay yeesheen golaha wasiirada Somaliland oo ku qabsoomay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video-Conference) ayaa waxaa shir-guddoomiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay golaha ayaa waxaa lagu sheegay in Somaliland ay meel ka dhac iyo gef ku tahay in xubno metalaya lagu doorto magaalada Muqdisho.

“Sidaa daraadeed muwaadiniinta Somaliland ee isku daya inay ka qayb-galaan metelaada been abuurka ah ee xamar lagu hayo, waxay jebiyeen go’aankii labada golle, kana horyimaadeen xeerarka iyo shuruucda dalka u dejisan, waxaanay mudan doonaan ciqaabta sharci ee ku habboon.” Ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Somaliland.

Halkan hoose ka aqriso:-

soomaaliland-1 (1)