Soomaalida Ku nool dalka Britain oo Cabsi ay soo food saartay

38

Xayiraad Cusub ayaa  Lagu soo Rogey Qeyba ka mida wadanka UK oo ka mid ah wadamada yurub oo ay ku nool yihiin soomaali badan .

Dowlada Britain ayaa shaacisay in magaalooyinka iyo deegaanada uu kusoo batey xanuunka covid19 in wixii ka danbeeya maalinta isniinta gebi ahaanba la xiri doono Maqaayadaha wax laga cuno iyo goobaha wax laga cabo. Dowlada ayaa sheegtay in dhamaan Shaqaalaha ka hawlgala shirkadaha UK, ee sharciga Coronavirus uu ku qasbay inay xidhaan ay saddex qaybood marka loo qaybiyo laba ahaan dawlada ka heli doona mushaharkoodii.

Arrintan ayaa saameyn weyn ku yeelan doonta dhaqaalaha dalka oo iminka uun kasoo kabanayey xayiraadihii bilihii March iyo April.

Dalka UK ama Britain waxa ku nool soomali badan oo ganacsiyo ku leh halak kuwa kale ay deganyihiin qaarkoodn aay qaxooti ahaan ay dalkaasi u joogaan.

Xayiraadan cusub ee lagu soo rogay ayaa waxa ay sameyn dhaqaalo waxa ay ku yeelan kartaa soomalida ku nool dalkaasi madama ay badankood ay ku tiirsan yihiin ganacsiyada iyo lacagaha kale oo ay ka qaatan dowlada

Soomaali badan ayaa waxa  soo wajahday cabsi ay ka qaban in xiligaan adag lagu soo rogo xayiraad dhanka ganacsiga ah