Soomaaliya:-Dad Hor Leh Oo ugeeriyooday Cudurka COVID-19

76

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay dad hor leh oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusoo laba kacleeyay guud ahaan dalka Soomaaliya.

Warbixin ay soo saaray Wasaaradda Caafimaad Xukuumadda ayaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay Cudurka laga baaray 1,202 qof, isla markaana laga helay 91 kamid ah dadkaas, kadib markii baaritaano kala duwan lagu sameeyay.