Wasiirka Arimaha Dibada Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdirasaaq maxamuud Ayaa Warbaahinta waxa uu uga waramay Wax Yaabihii looga Hadlay Kulankii Madaxda IGAD ee ka dhacay dalka Jabuuti
Shirka 38 ee aan caadi eheen Ee madaxweynayaasha Dalalka ku midoobay Igad ayaa looga hadlay Xaalada wadamada iyada oo sigaar ah looga hadlay Xaalada Somaliya iyo Kenya
Wasiirka Arimaha Dibada Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdirasaaq maxamuud Ayaa sheegay in ay jireen kulamo Gaar gaar ah oo ay yeesheen Madaxda Labada Dal
Waxa uu intaas Ku Daray Wasiirka in laga Shaqeynaayo in la soo saaro Warmurtiyeedka Kulankan Madaxda igad Ay iskugu Yimaadeen Dalka Jabuuti
kulanka 38 Ee aan Caadiga eheen Madaxda Igad ayaa Yimid iyada oo ay Cirka isku Sii Shareereyso Xiisada Somaliya iyo Kenya
Dowlada ayaana ku Adkeysaneysa in marba ayna aqbali karin Daansaansiga iyo Faragalinta siyaasadeed ee Qaawan oo ay kanya kawado Soomaaliya.