SOOMAALIYA OO KENYA KA CODSATAY IN DIB LOO HAWL-GELIYO SAFAARADAHA LABADA DAL

34

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Kenya ugu baaqday in ay furto Safaaradeeda Soomaaliya islamarkaana ay soo celiso xariirkii Diplumaasadeed ee labada dal.

War rasmiya oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya ay furi doonto Safaaradeeda Nairobi si loo soo celiyo xiriirkii iyo wada-shaqayntii labada dowladood.

“ Dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed oo buuxa wuxuu noqon doonaa bilow wanaagsan oo ku aaddan bilowga wada-hadallada labada dal u dhexeeya” ayaa lagu yiri Qoraalkaas.