Soomaaliya oo taageero ka dalbatay dalalka Jaamacadda Carabta

49

Ergay khaas ah oo ka socday Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo ayaa Dhambaal Xasaasi ah gaarsiiyey Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta

Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu Qoraal uu u diray Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Abu Kheyt oo uu kaga codsaday in la kordhiyo Taageeradda dhinacyada badan ee Somalia la siiyo

Xasan Macallim Khaliif oo ah Wasiir-dowlaha Madaxtooyada XFS, ahna Ergayga Khaaska ee Madaxweyne Farmaajo oo shalay la kulmay Axmed Abu Kheyt ayaa u gudbiyey Dhambaal Khaas ah oo uu u soo dhiibay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ilo-wareed rasmi ah oo laga soo xigtay Xoghaynta Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in Wasiirka uu bilowgii kulankaasi u gudbiyey Axmed Abu Kheyd dhambaalka iyo salaanta uu Madaxweyne Farmaajo ku bogaadiyey Abu Kheyd iyo doorka Ururka Jaamacadda Carabta ka qaadato Taageeradda dhinacyada badan ee ay la garab taagan yihiin dalka Somalia.

Qoraalka Madaxweyne Farmaajo waxa kale oo uu ku xusay sida uu ugu kalsoon yahay inay sii socon doonaan Taageeradaasi, lana xoojin doono Mustaqbalka dhow.