Sweden oo ka hadashay Isbedalka ka dhacay Somalia iyo Shirkii Dhuusamareeb

27

Muqdisho ( Kalshaale ) Dalka Sweden oo kamid ah dalalka deeqsiyada ah ee muddada dheer taageeraayey Dowaldda Soomaaliya ayaa codkeeda ku biirisay wel-welka ay ka qabto isbeddeladii ugu danbeeyey ee dalka, kadib markii xilka laga qaadey Raysalwasaare Xassan Cali Kheyre.

Sweden waxay welwelka la wadaageysaa Midowga Yurub, isbeddeladii ugu danbeeyey ee ka dhacay Soomaaliya. Waxay muhimaddu tahay wadahadal loo dhan yahay in uu sii socdo laguna taagnaado heshiiskii Dhuusamareeb. “  Ayay tidhi Wasiirka A. Dibadda Sweden Ann Linde.

Sweden ayaa ah dalka labaad ee Midowga Yurub ee bixiya dhaqaalaha ugu badan ee ku baxa magaca Soomaaliya waxaana joornaalka SvD qorey in istaraatiijiyadda deeqbixinta Sweden ee Soomaaliya kor loo qaadey muddo afar sano ahna qorshuhu yahay in lagu bixiyo lacag gaarey 350 milyan oo dollarka Marayaknka ah.

Markii isbedelka lama filaanka noqday uu ka dhacday dalka, ee Xukuumadii Raysal wasaare Khayre meesha ka baxday, waxaa Jiray Baaqyo kasoo baxayey Beesha Caalamka .

Balse Dawladda Soomaaliya ayaa Saaxiibada Caalamka uga digtay inay Farageliyaan Arimaha gudaha ee Soomaaliya, Waxaana laga codsaday inay dhowraan Madaxbanaanida dalka.