Taabid Cabdi oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka

46

Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, Mudane Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka 2020 illaa 2021.

Qoraal uu soo saaray Taabid ayaa wuxuu ku sheegay in xilligan aan loo baahneyn waqti lumis siyaasadeed.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Taabit Cabdi.

Marka la eego halka ay maanta Soomaaliya joogto, ma xamili karto waqti lumin siyaasaddeed, jahwareer doorasho iyo xifaaltan kooxeed. Ummaddeena intaas waa ka baahi badan tahay, waana ka maamuus weyn tahay.

Shirka #Muqdisho waa inuu noqdaa midkii gunnaanadi lahaa geedi socodkii shirrarka, doodihii arrimaha doorashooyinka iyo khilaafkii soo jiray, waana inuu xaaladda taagan si waadix ah u go’aamiyaa. Waxa qura ee la qaadan karo waa inuu shirkan kadib dalku doorasho aado, si ay shacabka, xisbiyada iyo cid walba u qaadato kaalinteeda.

Waxaan boggaadineynaa in dhammaan dhinacyadu aqbaleen iney #Muqdisho isugu yimaadaan, waxaana ku baaqeynaa in danta guud loo tanaasulo oo aan waqti kale laga lumin shacabka Soomaaliyeed ee indhaha iyo dhaggaha ku haya shanqarta siyaasiyiinta.

Wixii hadda kadib sii jiitama waxaa ay ka marqaati kici doonaan damac liita iyo mas’uuliyad darro, waxaana ceebteeda qaadan doonta ciddii fasha.

Jimco wanaagsan.