Taageerayaasha iyo jamaahiirta xulka kubadda Cagta Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya eek u sugan Caasimada Muqdisho ayaa waxa ay abaabulayaan Bananbax Nabadeed oo looga soo horjeedo Falkii Fuusha Xumaa ee lagula kacay xidigaha Geesiyaasha Ciyaartoyda Kubadda Cagta ee KGS xili ay saarnayeen Bas ka soo qaaday Garoonka Enjineer Yariiso oo loo geestay fal aad u xun oo ka yaabiyay dhamaan bahada Sports Soomaaliyeed.
Abdirahim Ali Shariif Dafeedow oo ka mid ah taageerayaasha Kubadda Cagta Dowlad Goboledak Koonfur Galbeed ayaa waxa uu sheegay in ay dhigi doonan Banaanbax nabadeed oo ay ku muujinayaan Shacuurtooda iyo sida ay uga xun yihiin falkaasi
“Yaa diyaar u ah in uu ka qeyb qaato banaababax nabadeedka ka dhici doona magaalada Mogadisho lagu muujibaayo cudud shacab aan ku leenahay Xamar laguna Dalbanaayo xaqa nooga maqan gobalka Banaadir “ ayuu yiri Abdirahim Ali Shariif Dafeedow
Taageeraysha reer Koonfur Galbeed ayaa waxa ay yiraahdeen” Xaqaaga hadaad adiga u doodin cidna fadhigaga kuguma keeneyso “.
Dhinaca kale iyagoo sii hadlaya ayaa waxa ay yiraahdeen “ Gobalka Banaadir marti ku ma nihiin oo munaafaq nimo ku hoos jirto ha dhamaato shacabka ugu badan mogdisha tihiin”.
Caradaan ayaa waxa ay dhalatay kadib markii fal ka baxsan nidaamka ciyaaraha lagula kacay Ciyaartooyda LIbaaxyada Koonfur Galbed oo ka soo laabtay Ciyaar dhex martay iyaga iyo Gobolka Banaadir in Wadada ay u galeen Taageerayaal Careysan oo ah kuwa Gobolka Banaadir kaidbna ay dahwacyo u geesteen.