Taariikh kooban Allaha u naxariiste Cumar Carte Qaalib oo maanta magaalada Hargaysa ku geeriyooday.

17

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa uga tacsiyadeeyay Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cumar Carte Qaalib oo ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

Marxuumka ayaa muddooyinkan dambe ku xanuunsanayay magaalada Hargeysa.

Allaha u naxariistee Marxuum Cuar Carte Qaalib waxa uu ku dhashay Gobollada Waqooyi ee dalka sanadka marka uu ahaa 1930-kii.

Dowladdii dhexe ee dalka intii u dhexeysay 1969-77-kii waxaa uu ka soo noqday Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

24-kii Janaayo sanadkii 1991-kii ka hor inta aan la ridin dowladdii dhexe ee dalka waxaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, laakiin intuusan soo dhisin golihii Wasiirada labo maalin kaddib waxaa la riday dowladdii dhexe 26-kii Janaayo 1991-kii.

Dowladdii Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayuu marxuum Cumar Carte Qaalib waxaa uu ka noqday Ra’iisul Wasaare intii u dhexeysay 1991-kii ilaa iyo 1993-dii.

TAARIIKHDIISA OO KOOBAAN

Taariikh kooban Allaha u naxariiste Cumar Carte Qaalib oo maanta magaalada Hargaysa ku geeriyooday.

Allaha u naxariistee Cumar Carte Qaalib waxaa uu sanadkii 1930,s ku dhashay waqooyiga Soomaaliya isla halkaas ayuuna ku qaatay waxbarashadiisa diiniga iyo aas aasiga ahba.

Ka hor inta uu u dhoofin wadanka Ingiriiska oo uu waxbarashadiisa heerka jaamaceed kusoo qaatay sanadkii 1956 waxaa uu maamule iskuul ka noqday dugsiyo ku yaala Laas caanood Berbera iyo Hargaysa.

Sanadkii 1969 waxaa uu noqday Cumar Carte Qaalib Allaha u naxariistee wasiirka arrimaha dibbadda Soomaaliya waxaana uu hayay illaa 1977.

Intii uu wasiirka ahaa sanadkii 1972 Cumar Carte waxaa uu noqday madaxweynaha golaha amaanka ee Q,M.

Isla sanadkaas waxaa uu door ka qaatay dhex dhexaadintii dawladaha Uganda iyo Tanzania oo waagaas uu dagaal ka dhaxeeyay.

Intii uu xafiiska joogay Soomaaliya ayaa ku biirtay ururka jaamacadda Carabta sanadkii 1974.

24 bishii January  1991 m/weynihii xilligaas ee Soomaaliya Max’ed Siyaad Barre ayaa Cumar Carte u magacaabay r/wasaare kadib muddo labo sanno ah oo uu xabsi gurri ahaa markii uu meesha ka baxay siyaad barren cali Mahdi ayaa dib ugu magacaabay r/wasaare waxaana uu hayay tan iyo bishii May sanadkii 1993

Dhawr mar ayay xukuumadii kacaanku xirtay Cumar waxaana uu xabsi ku jiray muddo 7 sanno ah illaa markii dambe laga dhigay xabsi guri