Taliska Booliiska oo war ka soo saaray Kufsi Gabar yar loogu geystay Muqdisho

54

Taliska Booliiska saldhiga degmada Kaaraan ayaa ka hadlay kufsi gabar yar oo 5 jir ah habeenkii xalay loogu geystay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Ciidamada booliska ayaa sheegay in ay baaritaan ku wadaan kiiskaan isla markaan caddaalada la horkeeni doono Shaqsigii ka dambeeyay kufsiga loo gaystay gabadhaan yar.

Ninka falkan lagu eedeeyey oo baxsaday ayaa la sheegay in uu kamid ahaa dadka degan xaafada, islamarkaana uu gabadha yar qabsaday, kadibna uu fara-xumeeyey.

Gabadha yar oo ay haatan liidato xaaladeeda caafimaad ayaa waxaa la geeyey Isbitaalka Digfeer, sida ay sheegeen xubno ka mid ah qoyska dhibanaha.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in baaritaan caafimaad oo lagu sameeyey, kadib natiijada lagu ogaaday in gabadha la Kufsaday.

Qoyska ayaa sidoo kale madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqay inay cadaalad helaan, si maxkamad loo soo taago ninka geystan falkaasi arxan darrada ah.

Waa Kufsigii labaad oo ilmo yar loogu geysanayo todobaadyo gudahood Caasimada, waxaana aheyd dhowaan markii wiil yar Kufsi loogu geystay degmada Shangaani.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayey dhacdooyinka Kufsiga ee Soomaaliya, waxaana ay arrimahan ay dhacayaan, iyada oo ay weli taagan tahay dhacdadii Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo dil iyo Kufsi loogu geystay magaalada Muqdisho.