Taliska booliska Soomaaliyeed oo ka hadlay qarax saakay ka dhacay Muqdisho

163

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ayaa ka hadlay qaraxii goordhaweed ka dhacay xarunta ilaalinta canshuuraha booliiska ee degmada Xamar Jajab.Afhayeenka Ciidanka Booliiska Dhamme Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in bartilmaameedka qaraxu ahaa xarunta ilaalinta canshuuraha balse ciidanku ka hortageen dhagartii cadawgu damacsanaa, baaritaan inuu socdo ayuu xaqiijiyay afhayeenku.Afhayeenka booliska oo ka hadlaalayay qasaaraha ka dhashay qaraxa ayaa sheegay in shan askari oo boolis ah  ay ku dhaawacmeen dhimashana aysan jirinMaleeyshida  AL-Shabab ayaa la tuhunsantahay in ay ka danbeeyaan ficilkaan foosha xun ee lagu dhibaateeyay shacabka Soomaliyeed ee waxba galabsan