Taliska ciidamada Booliska degmada Guriceel oo soo Bandhigay sababta loo waayay Hibo

104

Taliska ciidamada Booliska degmada Guriceel ee Gobolka Galgadud ayaa faahfaahin ka bixiyay kiiska Hibo Maxamed Xasan oo ahyed Gabadhii Maalin kahor la sheegay in laga Afduubtay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Taliska ayaa sheegay in baaris ay sameeyeen laamaha amniga Guriceel ayey ku ogaadeen in aan la Afduubin Hibo Maxamed Xasan islamarkaana si iskeed ah ay uga soo tagtay qoyskeeda.

Taliyaha ciidamada Booliska Guriceel dhame Cusmaan Cali Hudheey ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabkii ay Muqdisho uga soo tagto islamarkana ay usoo gaartay Magaalada Guriceel ee Galmudug

Waxaa uu tilmaamay in ay soo aaday dad qoyskeeda ah oo degan Guriceel balse markey ciidamada  Booliska ay ka shakiyeen ay Su’aalo ay weydiyeen ay ku ogaadeyn in ay baxsad aheyd kadibna ay xabsiga ay dhigeen.

Dhinaca kale Hibo  oo iyana warbaahinta lahadashay ayaa sheegtay in aan la afduubanin balse si iskeeda ah ay usoo gaartay magaalada Guriceel

Shalay ayaa ciidamada amaanka  Galmudug waxa ay  gacanta ku dhigeen  Hibo oo qoyskeeda ay sheegeen in laga afduubtay balse gadaal dambe laga ogaaday in ay iyada ay soo baxsatay .