Taliska Ciidamada Daraawiishta Galmudug Oo La Magacaabay (Wareegto)

20

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, kuna taariikhaysan 20-2-2021 ayaa lagu magacaabay Taliska guud ee Ciidamada Daraawiishta Maamulka Galmudug.

Madaxweynuhu: Markuu arkay; awoodda uu siinayo dastuurka & ahhmiyada ay leedahay in la  magacaabo taliska guud ee ciidanka Daraawiishta Galmudug.

Markuu La-Tashaday; Madaxweyne-ku-xigeenka, tixgeliyeyna aqoonta iyo waaya-aragnimada ay u leeyihiin maamulka ciidanka, howlaha amniga iyo deegaanka