Taliska Ciidamada Qalabka sida qeybta KGS oo Awaamiir kusoo rugey Ciidamada qeybahooda kala duwan.

24

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah Magaalada Baydhabo ugu  qabteen Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada  Xoogga dalka Soomaaliyeed, Taliyaha qeybta Booliska gobolka Baay iyo Gudoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida qeybta 60aad  ayaa waxa laga soo saaray awaamiir ku socota Ciidaamadda .

 ka dib markii uu soo dhmaaday shirkan  ay yeesheen Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida qeybta koonfur Galbeed, soomaaliya  ayaa waxaa laga soo saarey Awaamir ku aadan Askarigii  dil ama faldambiyeed geysta  una hogaansami waayo Amarka Talihiisa , in lala tiigsan doonaa Shaciga .

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Baay gaashaanle dhexe Aamiin Mad daruur iyo Gudoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida qeyta 60aad Gaashanle Sare Aadan Abuukar Maxamed ayaa fariin udirey Ciidamada Qalabka sida  .

Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Genaraal Maxamed Sheikh Cabdullahi (Ciirow) Ciidamada qalabaka sida farey in u hogaansamaan Sharciga iyo qaanuunka udegsan dalka kana fogaadaan Falalka gurcan .

Xili Magaalada Baydhabo dhawaan la fileyo in ka dhacdo doorashada  Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa Taliyaha qeybta 60aad  Ciidamada  Xoogga  uga digey  Ciidamada in Siyaasada Aysan saameyn .

Guud ahaan Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay waxana Awaamiir la siiyay Ciidamada qalabka sida iyadoo dhawaan Baydhabo ka dhici doonto Doorashada Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya.