Taliska Ciidanka Asluubta Oo War Ka Soo Saaray Qaraxii Saaka Ka Dhacay Muqdisho

20

Taliska Ciidanka Asluubta ayaa war kasoo saaray Qarax Saaka ka dhacay Waddada isku xirta KM4 iyo Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim, waxaana Qaraxaasi ka dhashay Khasaaro isugu jira  dhimasho iyo dhaawac .

Afhayeenka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed G/Sare Abdiqani Maxamed Qalaf oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay Qarax,w axaana uu sheegay in lala doonayay Qaraxa in lagu bartilmaameedsado Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad C/raxmaan Aadan.