Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed General Maxamed Tahliil Biixi oo kormeer ku sameeyey fariisimaha ciidanka xoogga ee duleedka degmada Beled-xaawo ayaa mar kale dowladda Kenya waxa uu ku eedeeyey in ay colaad ka hurineyso gobolka Gedo.
taliyaha ciidanka dhulka xooga dalka ayaa waxa uu sheegay in kenya ciidamadeedu ay dharar cad kasoo talaabeen xayndhaabka ama siliga udhexeya kenya iyo soomaaliya islamrkaasna ay hoobiyal kasoo tuureen
taliyaha ayaan waxa uu ayaan daro ku tilmaamay warbixintii kasoo baxaday dowladda aan walaalaha nahay ee jabuuti taasi oo sheegtay in soomaaliya ay gardarantahay
taaliyaha ciidanka dhulka ayaana waxa uu sheegay in shacabka reer jabuuti aysan raali ka aheyn warkasoo yeeray dowaldda jabuuti balse ay tahay arin qaas u ah siyaasada madaxweynaha dalka jabuuti ismaaciil cumar geele
taliayaha ayaana ku goodiyay in ciidamada kenya aysan hub iskaga qasaarin doonin islamrkaasna inta hub kooda ka furtaan ay kula dagaalamidoonan