Taliska Ciidanka Xoogga Oo Sheegay Inay Dileen Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab

56

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanada Mushaani, Daniga iyo Majabta oo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalka Ciidamada ayaa intii uu socday waxaa la tilmaamay in lagu burburiyay Saldhigyo dagaalamayaasha Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanada Mushaani Daniga iyo Majabta oo u dhexeeya degaanka Ianaale iyo degmada qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay laba Sarkaal oo kamid ah shabaabka iyo Ciidamo badan oo la socday, waa sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa yuusuf raage ayaa Magacayada Saraakiilsha la dilay ku kala sheegay Macalin Buqaari oo ahaa hoggaamiyaha jabhada Al-Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose iyo Sheekh Xasan ganeey.

Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/guudto Odowaa yuusuf raage waxa uu sheegay in howlgalka lagu bur buriyay Saldhigyadii Al-shabaab ay ku lahayeen degaanada Mushaani Daniga Majabta ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa horey waxaa ay dagaal kala duwan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ay ku dhexmareen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,.