Friday, April 23, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Taliska CXD oo ka hadlay howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Taliska CXD oo ka hadlay howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

222

Howlgalka ayay ciidanka si gaar ah kaga fuliyeen deegaanka Baloow oo ku teedsan wabiga Shabeelle, waxaana howlgalkaas la sheegay in lagu dilay 11-xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, halka 9 kalena lagu dhaawacay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa oo la hadlay warbaahinta dowladda u sheegay in inta uu socday howlgalka Ciidamada ay ku burburiyeen goobo ay lahaayeen xubnaha la dilay, waa sida uu yiri.

Sidoo kale Generaal Odawaa ayaa sheegay in howlgalka uu ka dambeeyay ka dib markii ciidanka ay ka war heleen inay xubno ka tirsan Al-shabaab ku sugan yihiin deegaanka Baloow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka dowladda Feederaalka ayaa deegaano dhowr ah oo ka tirsan Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka fuliyay howlgalo kala duwan oo qaarkood geystay khasaaro kala duwan.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa Gobolkaas ka fulisay weeraro isugu jiray mid toos ah iyo qaraxyo miinooyin ah oo ay la eegteen Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, xili ay socdaalo ku jireen.