Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo Booqday Baro koontorool oo ku yaal Muqdisho

52

Dhawaan Ayey  Aheyd Markii Taliska Ciidamadda Booliska Soomaaliyed Ay Ku Dhawaqeyn In la Qaaday  Dhagxaantii taalay  Bartamaha Wadooyinka  Magaalada Muqdisho.

Iyadoo wadooyin cusub  la geeyay jidgoyooyinkii laga qaaday magaalada halkaasi oo ay baro kontrool ay ka sameysteen Ciidamada Booliska Soomaliyed.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo saraakiil kale ayaa waxaa ay xalay kormeer ku tageen Baro koontorool oo gaadiidka lagu baaro, kaas oo dowladda Soomaaliya ay ka sameysay Magaalada muqdisho.

Baraha koontorool ayaa waxaa ay yihiin goobihii dhawaan dowladda Soomaaliya ay dhagxaanta ka qaaday, kuwaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo Boolis ah oo gaadiidka ku baaraya.

Taliyaha Booliska soomaliyeed oo ay wehliyaan tiro sarakiil ah oo uu ku jiro Taliyah qeybta guud Booliska Gobolka Banaadir saadaq cali cumar  ayaa waxa ay kormeer indha indheyn ah waxa ay ku tageen baraha kontrool ee cusub oo ay ciidamada Booliska ay ku sgan yihiin

Goobaha cusub oo taliayaha Booliska soo maray ayaa waxa ka mid ah degmooyinka dhaca Bari  iyo Galbeed  magaalada Muqdisho ee kala ah Kaaran Yaashid  Hilwaa Hodon How Wadaag Wardhiigleey  Iyo Kahda

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay booqdeen ilaa 15 Baro-koontoroolool oo ku yaalla inta u dhaxeysa Bariga Magaalada Muqdisho ee degmada Kaaraan ilaa Galbeedka Muqdisho oo ah degmada Kaxda.

Gabagabdii Taliyaha Booliska soomaaliya Janaraal cabdi xasan xijaar oo halkaasi kula hadlay ciidmadii ku sugnaa goobahaasi ayaa waxaa uu  kula dardarmay in ay ka qeyb qataan sugida amaanka magalada isla markan ay shacabka u dhimriyaan