Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay Qorsho cusub oo amniga Lagu sugayo

31

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay Kulanka looga hadlayay aminiga dalka Soomaaliya  gaarhaan sidii Loo sugu lahaa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho

Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ay Kala  hadleyn siidii loo dardar gelin lahaa sugida amaanka  dalka iyo Caasimada Muqdisho waxaa uu Taliye Xijaar tilmaamay in Ra’iisul wsare Rooble ay uga Warbixiyeen Sida ay iskula shaqeeyan Ciidaanka Booliska Maamul Goboledyadda dalka Iyo Taliska Guud ee Soomaaliyed

Shalay gelinkii dambe ayey aheyd  markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kormeer shaqo ku tagay xarunta taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed  Halkaasi uu  kulan kula qaatay saraakiisha iyo hoggaanada taliska,  isagoo ku boorriyay inay dardar-geliyaan howlaha lagu sugayo ammaanka guud Muqdisho iyo deegaannada kale ee dalka.

Ra’iisul Rooble ayaa kula dardaarmay saraakiisha booliiska Soomaaliyeed in kor loo qaado sugidda amniga dalka, si shacabka Soomaaliyeed ay ku helaan ammaan buuxa.

Rooble ayaa faray saraakiisha ciidanka in xal loo helo dambiyada ay ka mid yihiin: dhaca, dilka iyo kufsiga haweenka ee kooxaha burcada ah ay u geysanayaan bulshada kuwooda nugul.

Ra”iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeer ku sameeyey qeybaha kala duwan ee taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn taliyaha Ciidaanka Booliska Soomaaliyed ayaa waxa uu sheegay in kulamadaan ay la xariiraan sidii loo sugi lahaa ammaanka doorashooyinka la filayo in dalka ay ka dhacdo