Taliyaha Ciidanka xooga oo Galabta Gaaray Gedo

25

Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Somaliyeed  Janeraal Odawaa  Yuusuf Raage & Wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa Galabta gelinkii dambe waxaa ay gaareen degmada doolow ee Gobolka Gedo.

Wafdigan ayaa halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay.

Waxaa garoonka diyaaradaha degmada doolow kusoo dhaweeyay Taliyaha Howlgalinta Guutada Gorgor  Cumar Deeq, Guddoomiyaha Gobolka Gedo  Cismaan Nuur Xaaji  Macalimuu Madaxa Amniga Iyo Siyaasada Gobolka  Diini, Taliyaha Ciidamada Xasilinta Gobolka Bakaal & saraakiil kale.

Taliyaha ayaa waxaa la socday taliyaha Ciidamada Kumandooska Gorgor Guutada 17aad Gaashaale Dayax Taliyaha Qeybta 43aad Guutada 10aad Ee Gobolka Gedo, Ganaraal Maxamed Cadoow Cali Sanka Iyo Saraakiil Kale.

Kadib markii wafdigaan uu halkaasi gaaray ayaa waxaa ay la kulmeyn Saraakiisha Ciidamada & Maamulka degmada Doolow.

Safarkaan deg dega ah ee uu Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay kusoo aadeeysaa xilli dowladda Soomaaliya ka dejisay Ciidan degmadaas, kuwaas oo la sheegay in lagu xoojin doono Ciidamada xaduudka jooga.