Taliyahii ciidamada Danab oo xilkii laga qaaday.

39

Wareegto ka soo baxday wasaaradda gaashandhiga ayaa waxaa lagu shaaciyay in taliyaha Ciidanka Kumaandooska Danab loo magacaabay Gaashaanle Axmed Cabdilaahi Nuur (beeryare), kaasi oo horay xilal uga soo qabtay Ciidanka Millateriga Soomaaliya

Dhinaca kale dhawaanahaan waxaa soo baxayay warar sheegayay in Taliyaha   guutada 16aad ee kumandooska Danab xilka laga qaadayo.

Gaashaanle Ismaaciil  Cabdimalik Maalin  ayaa waxaa maanta soo baxday wareegto Xilka looga qaaday iyadoo uu u xirnaa arrimo siyaasadeed, waxaana uu ku sugnaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Sida ay wararku tilmaamayaan.

Taliyaha Xilka laga qaaday ayaa waxaa la sheegay in uu in muddo ah uusan wax shaqo ah qaban kadib markii madaxda sare ee dowladda ay shaqo joojin ku sameeyen taliyaha.

Arrimahaan ayaa waxaa ay salka ku hayaan arrimo siyaasadeed.